PUNTLAND : Galka habraaca doorashooyinka oo la wareejiyay

|

Garoowe (ONKOD) Wararka  aan  ka helayno maanta oo Talaada ah magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa sheegaya in halkaas shir ay ku yeesheen Guddoomiyaha Golaha wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil  iyo   xubno ka socday Guddiga xalinta khilaafaadka  doorashada.

Inta  uu socday shirkan waxaa lagu soo- hadal qaaday arrimo ku  saabsan hanaanka ay u  dhacayaan doorashooyinka soo socda ee maamulka Puntland

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland ayaa guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo ansixinta golaha Wakiillada ku wareejiyey diiwaanka galalka habraacyadii soo jireenka ahaa ee lagu soo xuli jiray xubnaha golaha Wakiillada.

Waxa uuna sheegay guddoomiyaha in guddiga diiwaankii uu hayay ugu wareejiyay si guddiga  ugu fududaato gudashada waajibaadkooda asixinta iyo xalinta khilaafaadka Baarlamaanka 6-aad ee Puntland.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa amray xoghayaha guud iyo dhammaan hawl-wadeenada goluhu in ay la shaqeeyaan guddiga, una fududeeyaan wixii shaqo ee uga baahdaan muddada ay ku shaqeynayaan Xarunta Golaha Wakiillada.

 

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha