PUNTLAND : Soo xulida Barlamaanka oo xowli ku socota.

|

Garoowe (ONKOD) Deegaanada maamul goboleedka Puntland waxaa ka soconaya oo ka bilowday soo xulista xubnaha Barlamaanka ee bedeli doono kuwi hore ee la kala diray.

Magaalada Garoowe waxa ay marti galinaysaa kulamo iyo Ololaha shaqsiyaadka ugu jiraan xilka xildhibaanimo iyo kuwa kale oo doorashada galaya si ay u helaan kursiga.

Beelaha kala duwan ee reer Puntland ayaa xulanaya xubnihii ku matali lahaa Baarlamanka shanta sano ee soo socota (2024-29).

Wararka ayaa sheegaya in durba la soo xulay qaar kamid ah xildhibaannada cusub islamarkaana dhawaan loo gudbin doono guddiga xallinta Khilaafaadka.

Magaalada Garoowe waxa  ay marti galaysaa siyaasiin badan oo u xusul duubaya in xilal ay qabtaan , maamulka cusub ee imaan doono isla  markaana bedeli doona kan hadda waqtiga uu ka dhamaaday ee Saciid Cabdullaahi Deni.

Guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada Puntland ayaa lagu wadaa in uu si rasmi ah ah u bilaabo shaqadiisa ansixinta xildhibaannada cusub.

Puntland  in muddo ah waxaa ka taagnaa khilaafka ka dhashay daaha ku yimid doorashada , inkastoo inta badan laga gudbay hadana waxaa wali taagan raadka khilaafka doorasho.

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha