Putin oo cambaareeyay Gantaalo uu markale Mareykanka siiyay dalka Ukraine

|

Moscow (ONKOD) Dowladda Mareykanka ayaa ugu deeqday dalka Ukraine gantaalo iyo hub kale oo casri ah, si ay isaga difaacaan ciidamada Ruushka ee dagaalka adag kala horjeedaan kuna sugan qeybo kamid ah Ukraine.

Sidoo kale, hubka dowladda Mareykanka ugu deeqday dalka Ukrine waxaa kamid ah gantaallada casriga ah ee ATACMS, kaa oo cabsi badan ku abuuray ciidamada Ruushka iyo dowladda dalkaasi.

Dhanka kale, madaxweynaha dalka Ruushka Vladamir Putin ayaa si kulul u cambaareeyay gantaalada ATACMS ee Mareykanka siiyay Ukraine, waxa uuna sheegay in Mareykanka mar kale sameeyeen khalad kale oo weyn.

Vladamir Putin ayaa sheegay in gantaaladan Mareykanka siiyay cadawgooda uusan waxba ka badali karin, waxa uuna uga digay dowladda Mareykanka in ay sii hubeeyaan dowladda Ukraine .

Ciidamada Ukraine ayaa helay hub casri ah ay kula dagaallamana ciidamada Ruushka ee duullaanka kusoo qaaday dalkooda, waxa ayna gantaalada la siiyay ku duqeeyaan xeryaha ciidamada Ruushka.

Related Articles

News In English

Fikradaha