Qaali Guhaad: “Ikraan oo maqan 18 cisho ayuu Fahad Yaasiin igu yiri 2 beri iga warsuga Maamo, waxa ay leedahay Marqaati jooga

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Qaali Maxamuud Guhaad oo ah Hooyada Ikraan Tahliil Faarax oo Nolol & Geeri lagu waayay 27kii June 2021 isla markaana kiiska maqnaashaheeda uu galay xubno uu kamid yahay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Agaasimihii hore ee Hay’adda NISA ayaa sheegtay in mar ay la kulantay Fahad uu u sheegay in dhanka Al-Shabaab jirto, muddo 2 cisho ahna u qabtay in uu jawaab kusoo siin doono.

Waxa ay sheegtay in wixii xiligaas ka dambeeyay aanay jawaab dambe ka helin Fahad Yaasiin oo ugu dambeyn maanta ay aragtay wareysi uu bixiyay oo uu ku dafiraayo in uu wax ka ogaa ama kiiskaas uu wax ka ogaa.

“Maanta waad ka warqabtiin hadalkii uu ka hadlay Fahad Yaasiin oo ah wax laga jaqaafo oo aanay ahayn nin weyn wax uu ku hadlo, mar ay Ikraan maqan tahay 18 beri ayaan ugu tagay xafiiskiisa oo waxa uu igu yiri Gabadhii waxa ay ku maqan tahay dhinaca Shabaab sidaas ayaa xogta ku helnay, labo beri iga warsuga maamo, waxaana ila socday Aqiyaar Nabadoono, marqaati ayay leedahay, maanta in uu geedaha madaxa kusoo qabsado ma aha, Ikraan waxa ay maqan tahay June ilaa June waa sanad” ayay tiri Qaali Maxamuud Guhaad.

Waxa ay sheegtay in uu Telefoonka ka qaban waayay muddada uu xafiiska NISA joogay, haddii uu kiiskaan uusan ku lug lahayn waxa ay su’aal ka keentay sababta uu ugu warcelin waayay jawaabta usoo baxday maadaama markii hore uu qabsaday 2 cisho.

“Qof islaam ah ayaan ahayoo, qur’aan ayaa la ibarayoo, haddii uu yahay muxuu uga damqan waayay, waxa uu madax ka ahaa Nabadsugidda, telefoonka wuu naga qaban waayay, dib wuu noosoo wici waayay, intaas ayaa ka hadlayay Baraha Bulshada oo aad marqaati ka tihiin, maanta in uu yiraahdo Mahad Salaad, Ra’iisul Wasaaraha, Alcadaala & Karataay ayaa og waxa ay la micno tahay fallaar gilgilasho kaagama harto, maanta markii laga qaaday xilka miyuu sidaas leeyahay” Sidaasi waxaa sheegtay Qaali Maxamuud Guhaad.

Qaali Maxamuud Guhaad ayaa sheegtay in aysan marnaba ka daali doonin raadinta xuquuqda Ikraan Tahliil oo muddo sanad ah Nolo & Geeri aan lagu heyn, waxa ay tilmaamtay in Fahad Yaasiin meelna uusan uga hari doonin kiiskaan, hadalkiisana uusan dabooli Karin xaqqa Gabadheeda sida ay hadalka u dhigtay.

“War ninyahow Ilaah ka cabso, haddii aad Gabadha heysid isii kuuma heysto, ummadda Soomaaliyeed maqla, iska keen Gabadha, shalay adiga ayaa Al-Shabaab ku sheegay, Yaasiin Farey ayaa lahaa Shabaab ayaa dilay, aniga inta uu ii yimid ayuu Yaasiin Farey igu dhahay Gabadhaada waxa ay jirtaa Dhaay-tubaako, marna waxa uu igu dhahay Mubaarak intaba waa laga soo waayay, Xarakatu Shabaab way iska beri-yeeleen, Kulane Jiis ma aha wax ka reebaya kiiskaan oo halkaas ayay idiin saaran tahay, Naf nool ayaa maqan ee Culimada Soomaaliyeed ka hadla” Qaali Maxamuud Guhaad.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud waxa ay Qaali Maxamuud Guhaad ka codsatay in uu wax u qabto maadaama Madaxweynihii ka horreeyay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu hor istaagay kiiska Caddaalad raadinta, halkii la rabay in uu Gabadheeda raadiyo xaqqeeda uu xil ku abaalmariyay Dadkii ka dambeeyay kiiskaas.

“Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweyne shalay Madaxweynihii i dulmiyay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxba iguma qaban xilkaas oo waxa uu hor istaagay Maxkamadda, Ninkii xilka laga qaaday ayuu xil siiyay, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ma cafin oo ilaahey aktiisa ayaa lagu xisaabtamaa, Miyaan muwaadin ahayn?” ayay tiri Qaali Maxamuud Guhaad.

Fahad Yaasiin oo dibad-joog ah ayaa Wareysi uu bixiyay waxa uu hadlay dhacdooyin intooda badan dhacay waqtigii uu ahaa Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA si uu isaga leexiyo kiisaskii diiwaanka u galay.

Related Articles

News In English

Fikradaha