Qaar ka tirsan ilaalada Madaxweeyne Deni, oo Qarax lala eegtay

|

Muqdisho (Onkod Radio) kolonyo uu la socday Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni, ayaa lala eegtay qarax miino oo aad u xooggan kaasoo laga wada maqlay magaalada Boosaaso inta la xaqiijiyay ugu yaraan ayaa ku dhimatay 2 Askari oo ilaaladiisa ka mid ahaa halka ay ku dhaawacmeen inkabadan 4 Askari.

Dad goobjoogayaal ayaa sheegay kolnyada galbineeysay Deni, ayaa rasaas furay Qaraxa kadib balse ma jiraan wax khasaaro oo ka dhashay.

Madxweyne Deni, iyo wafdigiisa ayaa safar dhulka ah, ugu soo anba baxay Degmada Carmo ee Gobolka Bari, ayagoo kasoo baxay markii hore Qardho.

ula jeedka safarkiisa ayaa lagu sheegay inuu ahaa doorashada ka dhaceeyso magaalada Boosaaso, ee deegaan doorashada 2-aad ee Puntland.

Boosaaso ayaa ka dhacaayay maalmihii ugu danbeeyay falal liddi ku ah, taaso maalo ka hor maqaaxi lagu shaaheeyo uu ka dhacay qarax oo ay ku geeriyoodeen Odayaal.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha