Qaar kamid ah shacabka tuulada Dameeraale ee Afgooye oo ka cabanaya AS dhibaato daran ku haya

|

Afgooye – Waxaa soo kordhaysa cabashada dadka beeralayda ah ee ku dhaqan tuulada Dameeraale ee Afgooye hoos timaada. Dadkan oo cabashadooda soo gaarsiiyay odayaasha dhaqanka ee magaalada Afgooye ee Al-Shabaab  la macaamila ayaa sheegaya in nin dadka deegaanku yaqaanaan ama magiciisa afgarashu yahay Abu Akram oo odayaasha Al/Shabaab  ka tirsan una qaabilsan qorista dhallinyarada uu dhibaato xooggan ku hayo.

Ninkan oo magaciisa afgrashadu yahay Abu Akram,  ayaa lagu magacaabaa Cabdi Rashiid Cabdulle Rooble sida ay dadka Tuuladu sheegeen wuxuuna dadka ku qasbaa in ay carruuurtooda Al-Shabaab ku biiriyaan ama ay lacago baad ah bixiyaan.

Waxaa kale oo ay dadkani sheegayaan in Abu Akram uu deegaan ahaan ka soojeedo Dayniile balse uu mar degganaan jiray Tuulada Dameeraale iyo Afgooye.

Warar kale oo deegaanka Afgooye iyo Dayniile laga helayo ayaa sheegaya in ninkan uu sidoo kale dhibaato ku haya qoysaska ay isku qabiilka yihiin ee ay carruurtoodu dowladda u shaqeeyaan. Dhibaatooyinkaas ayaa ka mid ah sida la sheegayo in uu qoysaska cadaadis ku saaro in ay carruurtooda ku qasbeen la shaqaynta AS ama ay lacago siiyaan Al Shabaab.

Tallaabadan ayaa muujinaysa sida ay Al Shabaab u adeegsadeen odayaasha kala duwan ee ka soo kala jeeda qabaa’ilada ku dhaqan Koofurta Soomaaliya.

Related Articles

News In English

Fikradaha