Qarax, khasaare geeystay oo ka dhacay Balcad

|

Muqdisho (Onkod Radio ) – Inta la xaqiijiyay saddex qof ayaa ku dhaawacmay bam-gamceed lagu weeraray maqaayad ku taalla magaalda Balcad ee gobolka Shaheelaha Dhexe, kuwaas oo ay jiraan saraakiil ka tirsan maamulka HirShabeelle.

Sida uu VOA u xaqiijiiyay taliyaha saldhigga booliska degmada Balcad Gaashaanle Dhexe Xuseen Macallin Cabdulle, dadka dhaawaca ah, waxaa ka mid ah guddoomiyaha maxkamadda Balcad, guddomiyaha tuulada Mareerey iyo mid ka mid ah, nabadoonnada HirShabelle.

Waxa uu sheegay in uu goobta ka baxsadeen qofkii soo tuuray bamka, laakiin hay’adaha amnigu ku raad joogaan.

Al-Shabaab ayaa bilihii la soo dhaafay dhowr qarax iyo weerarro noocan oo kale ah, ka fuliyay gobolka Shabeelaha Dhexe, iyaga oo inta badan sheegta masu’uliyadda weerarada noocaan ah.

VOA SOMALI

Related Articles

News In English

Fikradaha