Qarax lala beegsaday siyaasi Cabdullaahi Sheekh Xasan oo Muqdisho ka dhacay

|

Muqdisho (Onkod Radio ) – Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xooggan uu duhurnimadii maanta ka dhacay xaafad ka mid ah degmada Dharkiinley.

Qaraxaasi ayaa wararku intaasi ku darayaan in lala beegsaday siyaasiga Cabdullaahi Sheekh Xasan.

Weli si rasmi ah looma xaqiijin nooca uu ahaa qaraxa, balse wararka qaar ayaa sheegaya inuu ahaa miino dhulka lagu aasay.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay VOA-da in siyaasigan uu ka soo baxayay Masaajid uu kusoo tukaday salaadda khudbadda Jimcaha xilliga qaraxa lala beegsaday.

VOA-da ayaa la xiriirtay saraakiisha booliska si ay faahfaahin uga hesho qaraxa, balse weli nooma suurtagalin inay ka jawaabaan.

VOA SOMALI

Related Articles

News In English

Fikradaha