Qarax lala eegtay Ciidamo katirsan AMISOM & Khasaaro ka dhashay

|

Qaraxaan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Burundi ee kamid ah AMISOM waxaa lagula eegtay lagula eegtay degaanka Buurane oo ku yaal inta u dhaxeysa degmooyinka Mahadaay iyo Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa lala beegsaday Ciidamada Burundi xilli ay kasoo baxeen Saldhiga ay ku leeyihiin degaanka Buurane, isla markaana qaraxa kadib ay Ciidamada fureen rasaas farabadan, taas oo aan wax khasaaro ah kasoo gaarin dad Shacab ah.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa, waxaana warar lagu daabacay Baraha Internet-ka ee taageera lagu sheegay in qaraxaas ay kudileen laba katirsan Ciidamada Burundi walow aysan jirin dad madax bannaan oo xaqiininaya warkaas.

Saraakiisha Ciidamada Burunti ee ka howlgalla Gobolka Shabeellaha dhexe ayaan weli ka hadlin qaraxaas, waxaana inta badan qaraxyo lagula eegtaa xilliyada ay ku socdaalayaan inta u dhaxeeysa degmooyinka Mahadaay iyo Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Related Articles

News In English

Fikradaha