Qarax miino oo lagula eegtay ciidamada DF deegaanka Ambareeyso

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Qarax miino oo lagu aasay Bar koontarool oo ciidanka dowladda Federaalka ay ku leeyihin tuulada ambareyso oo shan kiilo mitir ujirta dagmada baraawe.

Qaraxa ayaa dhaliyay khasaare kala duwan waxaa ku geeriyooday saddex ka tirsan ciidamada millitariga sida ay inoo xaqiijiyeen goobjooge yaal.

Sidoo kale mid ka mid ah, Millateriga ayaa dhaawac halis ah ka soo gaaray.

Dad goobjooge yaal ah, ayaa sheegay in ay maqleen jugta qarax xooggan oo loo malaynayo in uu ka dhashay miino lagu aasay dhulka kasoo dhalisay khasaare kala duwan.

Ma jiro war kasoo baxay Dowladda Federaalka iyo laamaha amniga kuwa booliska Millateriga.

Masu’uliyadda weerarkan daqiiqado kaddib waxaa sheegtay Ururka Al shabaab, ayagoo sheegtay inay ku dileen weerarkaasi 7 askari.

Halkani waa goobta qaraxu uu ka dhacay
Halkani waa goobta qaraxu uu ka dhacay

Related Articles

News In English

Fikradaha