Qaraxyo gilgilay saldhiga Ciidanka Itooobiya degmada Doolow ee Gedo

|

Doolow (ONKOD ) Ciidanka Itoobiya ee ku sugan degmada  Doolow ee gobolka Gedo oo lala eegtay  maanta qaraxyo ismiidaamin ah oo khasaare xooggan u gaystay ciidanka la wareeray.

Ilaa laba qarax oo loo adeegsaday Gawaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa ayaa la sheegay in lagu dhuftay irida xerada ay degan yihiin ciidanka Itoobiya

Wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa sheegaya in qaraxyadan oo ilaa labo gaarayay lagu weeraray xero ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin magaalada, ciidankan oo ka tirsan ATMIS ayaan la ogeyn khasaaraha ku gaaray weerarkan

Sida xogaha ay sheegayaan , qaraxyadan ayaa midka hore ahaa gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo lagu weeraray xerada, halka qaraxa uu  ahaa qof watay jaakado ay ka buuxeen qaraxyo.

Dadka kunool Magaalada Doolow ayaa sheegay in inay dareemeen cabsi xoogan kadib markii ay maqleen qaraxyada, wallow xerada la weeraray ay ku taallo duleedka degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Qaraxa ka dib  ciidanka Itoobiya ayaa isku fidiyay xaafado dhawr ah oo ka mid ah degmada Doolow , halkaas oo hawlgal ay ka fuliyeen ciidanka  lamana sheegin cid ay u soo qabteen.

Dhanka kale, ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka degmada iyo kuwa gobolka oo ku aadan dhacdadaasi.

Qaraxyadaan Maanta lagu weeraray Saldhiga Ciidamada Itoobiya ee degmada Doolow ayaa kusoo aadaya xilli Madaxweynaha Jubbaland uu Maamul cusub u soo magacaabay Gobolka Gedo, kuwaas oo bannaan jog ah.

Related Articles

News In English

Fikradaha