Qaraxyo ismiidaamin ah oo ka dhacay Degmada Maxaas

|

Saakay aroortii hore ayaa waxaa weerar qaraxyo ah lagu qaaday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, Qaraxyada oo loo adeegsaday baabuur ayaa geystay qasaare xoog leh.

Qaraxyada ayaa waxaa ka dhashay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed, waxaana sheegtay qaraxaasi dagaallmayaasha Alshabaab.

AlShabaab ayaa sheegtay in ay qaraxaasi ku dileen kontomeeyo ka tirsan ciidamada Dowladda iyo kuwa macawisleyda deegaanka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxyada lala beegsaday in qaraxyada lala beegsaday maqaaxi lagu qaxweeyo iyo goobo ganacsi.

Horey ayay Shabaab qaraxyo uga geysteen magaalooyinka Jalalaqsi iyo Buuloburte kuwaasoo ay dad badani ku dhinteen kuwana ay ku dhaawacmeen.

 

Cabdullaahi Cali Cabdulle 

Xafiiska Warqabadka Muqdisho

Related Articles

News In English

Fikradaha