QM oo Cambaraysay Weerar Dad badan Lagu Dilay oo Ka Dhacay Itoobiya

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa cambaareeyay xasuuq lagu xasuuqay dad rayid ah oo ka dhacay Ismaamulka Oromada ee dalka Itoobiya.

“Xoghayaha guud wuxuu dhaleeceynayaa dilka la sheegay in lagu dilay dad badan oo rayid ah oo ka dhacay Oromiya isbuucan dhamaadkiisa,” ayuu yiri Stephane Dujarric, madaxa afhayeenka Guterres.

“Waxa uu ku celinayaa baaqiisa ah in dhammaan colaadaha la joojiyo, dhammaan dhinacyada ay xaqiijiyaan ilaalinta rayidka.”

Dujarric ayaa sheegay in xoghayaha guud uu ku booriyay dowladda Itoobiya in ay qaado tillaabooyin deg deg ah oo ku aaddan in si nabad ah lagu xalliyo colaadda ka taagan Oromiya.

Warar la daabacay ayaa sheegay in saraakiishu ay tiriyeen in ka badan 200 oo meyd ah tuulada Tole ka dib weerarkii isbuucaan.

Waxa ay ku eedeeyeen falkan waxashnimada ah ciidanka Xoraynta Oromada oo eedaymahaas beeniyay. Waxaa la sheegay in ciidamada dowladda ay gowraceen dadka shacabka ah.

Weerarka ayaa ka dhacay gobolka ugu weyn Itoobiya. Oromiya waxay fidsan tahay guud ahaan Itoobiya laga bilaabo Suudaan ilaa Soomaaliya oo ah meelaha ugu fog waxayna koonfurta ka xigtaa gobollada Canfarta iyo Amxaarada. Labadan gobol ayaa ku dhagan gobolka waqooyi ee ay dagaaladu aafeeyeen ee Tigray.

Sanadihii la soo dhaafay weeraro hubeysan iyo iska hor imaadyo lagu hoobtay oo ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Oromia ayaa waxaa ku dhintay kumaan kun oo qof halka boqolaal kun ay ku barakaceen. Isku dhacyada ayaa qeyb ka ah sheegasho soo jireen ah oo la xiriirta awooda iyo kheyraadka dhulka.

Related Articles

News In English

Fikradaha