QM oo soo faragelisay doorashada Puntland

|

Garowe (ONKOD) — Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Catriona Liang oo gaartay magaalada Garoowe ayaa kulan gaar ahla yeelatay hoggaanka sare ee Puntland, ayada oo kala hadashay arrimo ku aadan doorashooyinka maamulkaasi.

Kulankan ayaa si gaar ah u dhex-maray madaxweyne Saciid Deni iyo Marwo Catriona Liang, ayada oo ay goobjoog ahaayeen madaxweyne ku xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) iyo xubno ka mid ah golaha wasiirada maamulka Puntland.

Catriona Liang ayaa madaxda Puntland kala hadashay sidiii xal loogu heli lahaa xiisadda siyaasadeed ee ka taagan maamulkaas, gaar ahaan muranka doorashada oo ay weli isku hayaan xubnaha mucaaradka iyo madaxweynahe Saciid Cabdullaahi Maxamed (Deni).

Madaxweynaha ayaa kulanka kadib ka hadlay shir jaraa’id oo ay wada qabteen isaga iyo wakiilka QM ee Soomaaliya, wuxuuna ka warbixiyay ujeedka kulankooda.

Deni ayaa shaaca ka qaaday inay ka wada-hadleen sidii ay doorashada ugu dhici lahayd si nabdoon, si looga hortago qalalaase iyo rabshado ka dhaca Puntland.

“Waxaan ka wada-hadalnay xaaladaha dalka ka jira oo ay ugu muhiimsan tahay sidii dalka looga qaban lahaa doorasho dimuquraadi ah oo ku dhacda si nabad-gelyo ah” ayuu yiri

Related Articles

News In English

Fikradaha