Qormo kooban oo kusaabsan Doorashada Kenya

|

Nairobi (Onkod Radio) — Waxaan maanta fursad u heley inaan ka mid noqdo korjoogtada warbaahinta ka socota ee indha-dheyneysa doorashada dalkan Kenya, anagoo soo marnay dhowr goobood oo Nairobi ku yaalla ayna ku jirto xaafadda Islii ee ay Soomaalidu deggan tahay. Waxaana wareysi la yeeshay dhowr ka mid ah shaqaalaha doorashada iyo dadka codeynaya.

Doorashadan waxay ka duwan tahay kuwii horay uga dhici jiray Kenya. Waxaana jira arrimo waaweyn oo markan ay dadka codeynaya ku kala qeybsan yihiin. Waxaa la dooranayaa illaa lix jago oo isugu jira madaxweyne, xildhibaan aqalka hoose, xildhibaan aqalka sare, xildhibaan golaha deegaanka, guddoomiye gobol [county] iyo xildhibaanka haweenka. Qofka codeynaya waxaa la siinayaa illaa 6 warqadood oo ay ku qoran yihiin magacyada iyo kuraasta lagu tartamaayo.

YAA CODEYNAYA?

⁍ Kenya waxaa ku nool dad u badan Kirishtaan oo gaaraya illaa 50 milyan oo ka kooban 40 qabiil, sida uu muujinayo tirakoobka dowladda. Kikuyu-da ayaa ah qabiilka ugu dadka badan, halka Soomaalida oo hal QABIIL ah ay ku jiraan lambarka lixaad.

⁍ Waxaa codeynaya 22,120,458 codbixiye oo ku kala baahsan 290-ka degmo doorasho. Waa tiradii ugu badneyd oo doorashada Kenya isu diiwaangelisa.

⁍ 46,229 oo xarun ayaa codka laga dhiibanaayaa. Goobaha codbixinta ayaa saaka 6:00am subaxnimo furmay, waxayna codeynta socon doontaa illaa galabta 5:00pm.

YAA TARTAMAYA?

⁍ Afar musharax ayaa u tartameysa jagada madaxweynaha. Waxaana ugu caansan ninka madaxweyne ku xigeenka ka ah dalka William Ruto iyo Raila Odinga oo horey ra’isul wasaare u soo noqday.

⁍ 2,132 musharaxiin ah ayaa u tartameysa 290 kursi ee Golaha Shacabka [Baarlamaanka], halka 12,994 musharaxiin kale ay u tartamayaan 1,450 kuraasta golaha deegaanka (MCA).

⁍ 340 musharrax kale ayaa ku tartameysa aqalka sare ee baarlamaanka oo ka kooban 47 kursi. Halka 266 ruux ay doonayaan jagooyinka guddoomiyenimo ee 47-da gobol. Illaa 359 kalena waxay rabaan 47-ka kursi ee haweenka ku leeyihiin baarlamaanka.

CAQABADAHA JIRAY

Meelaha qaar waxay dadka codeynaya la kulmeen caqabado ay ka mid tahay internet-ka oo shaqeyn waayey maadaama aaladda xaqiijinta aqoonsiyada ay ku shaqeynayaan internetka. Illaa saddex gobol oo ay ku jiraan Mombasa iyo Kakamega ayaa iyaguna la sheegay in codeynta kuraasta xildhibaannada dib loo dhigay kaddib markii warqadaha codeynta ay isku qasmeen.

EEDEYMO LAALUUSH OO JIRA

Waxaa aad u soo baxaya eedeymo ku saabsan in goobaha qaarkood dad ay lacag ku qeybinayeen si ay codbixiyaasha u sasabtaan. Waxaa ka mid ah Kirinyaga walow boolisku ay sheegeen inay baaritaan ku wadaan arrinkaasi.

GOORMAY NATIIJADA SOO BEXEYSAA?

Sida ay sheegayaan hawl-wadeennada doorashada, waxaa suuragal ah in saddex maalmood la sugo natiijada doorashada, taasoo ku beegan maalinka Jimcaha ee soo socda.

SOOMAALIDA IYO DOORASHADAN

Dhallinyaro badan oo Soomaali ah ayaa u tartameysa kuraasta qaarkood laga billaabo xildhibaannada baarlamaanka, guddoomiyaasha gobollada iyo golayaasha deegaanka. Sidoo kale, Soomaali badan ayaa codeyneysa sannadkan walow ay aad ugu kala qeybsan yihiin cidda ay codadka siinayaan.

W/Q: Abdalle Ahmed Mumin

Related Articles

News In English

UK announces new support for people facing famine in Horn of Africa

Mogadishu (Onkod Radio) — Speaking at an event on the humanitarian crisis unfolding in the Horn of Africa at the UN General Assembly in...

USAID announces $1.5 M to respond to the impact of the drought on Somali children’s education

Mogadishu (Onkod Radio) — USAID has announced that it will provide $1.5 for the Somali children's education programs as the drought had forced thousands...

SJS and SOMA condemn Somaliland’s suspension on independent TV

Mogadishu (Onkod Radio) — Somali Journalists Syndicate (SJS) and the Somali Media Association (SOMA) strongly condemn the suspension against the privately-owned independent CBA television...

Somalia: UN’s top humanitarian forum warns of ‘tipping point’ as famine risk rises

New York (Onkod Radio) — New York: The world is lurching from crisis to crisis, trapped in a cycle of firefighting and unable to...

With $700 million in assistance, U.S calls recognition for Somalia efforts to tackle deepening crisis

New York (Onkod Radio) — Following the United Nations Security Council meeting on Somalia on Wednesday, the United States said it was committed to...

Fikradaha

GUURKII AWOOWAYAASHEEN – DOONISTII IYO AQAL-GALKII

Qaybtii 1-aad: Barnaamijka War iyo waaya-arag waxaan maanta ku soo qaadanaynaa sida hablaha loo doono iyo sida aroosyada loo dhiso innaga oo tix raacaynaa...

Dalkeena wuxuu u baahan yahay Ciidan Qaran oo Badbaadiya!

Tani waa farriin ka socota muwaadin Soomaaliyeed oo ay danqeyso xaaladda ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed xilli uu dalkeena baahi aad...