Qormo: Soomaaliya iyo Musuqmaasuq

|

MUSUQ-MAASUQ

Ugu horreyn, qormadeenna waxaan ku qeexi doonnaa macnaha uu ku qotomo ereyga Musuqmaasuq kaas oo aan u kala qaadi doonno laba qeyb oo kala ah Musuq iyo Maasuq.

  1. B) MUSUQ “Waa midka dhiiba dhaqaalaha lagu fasahaadiyo kuwa awoodda leh ee fududeeya howlaha marka gacantooda wax lagu rido”. Lama xiro lamana sheegsheego
  2. T) MAASUQ “Waa midka qaata san dareertada ee xoolihii umadda u leexiyo shaqsi ama koox (MUSUQ) uu ka qaatay xoogaa aan xalaal ahayn oo Adduun iyo Aakhiraba lagu dhibtoon doono”,. Waa midka aan mar kasto maqalno oo la soo xiro.

Aan u soo daadegno ujeedka Qormadeenna Musuq iyo Maasuqu.

Labadan kooxood waa dhibaato ay la il daran tahay bulshada caalamka gaar ahaan Afrika, haba ugu darnaadaane kuwa geeska Afrika oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

Haddii la helo ka hortag dhab ah oo ku saasbsan, waxaa la heli doonaa adeegyo badan oo hadda ku kooban inta ku heshiisay musuq-maasuqa.

Musuqu waa abuuraha dhibaatada dadka danta yar, kaasoo mar kasta isticmaala awoodihiisa dhaqaale ama maamul.

Sidoo kale musuq-sameeyaha inta badan lama arko waayo waxa uu ka shaqeeya daaha gadaashiisa, howshiisuna waxay ku dhamaataa daaha gadaashiisa.

Qof garanayo ma jiro (Musuq) oo waxa uu isticmaalaa maamulka meesha ka jiro oo uu siiyaa xoogaa dhaqaale ah ama marka hore ayuuba ka shaqeeyaa in maamulka loo dhiibo qof uu isagu meesha keenay.

BAL EEG SOOMAALIYA:

Xildhibaannada, Saraakiisha ciidamada, Guddoomiyeyaasha degmooyinka waxaa soo saara ganacsato, waxay ku bixiyaan lacago badan waxayna u soo saaraan in ay  ku difaacaan danbiyada ay ka galayaan bulshada inteeda kale.

Tusaale waxaa kuugu filan in (Musuqu) uu yahay amar-bixiyaha rasmiga ah ee Soomaaliya markaad aragto shaqsi dhaqaale ahaan hooseeya, reerkiisuna yihiin dan yar ee bixinaya lacago boqollaal kun oo dollar ah si uu ugu soo boxo kursiga Xildhibaannimo beeshiisa, wuxuuna kuu sheegayaa inuusan laaluush bixin balse sida la hubo xildhibaanka ugu yar ee Soomaaliya ugu fadhiya kursi waxaa ka baxday ku dhawaad $100,000 (Boqol kun oo dollar) oo aan dhihi karno waaba kan aysan lacag ka bixin.

OGOOW: Xildhibaankaas ku yimid musaqa wuxuu muddo afar sano ah ku fadhinayaa kursigaas, waxa uuna leeyahay awoodda shaqaaleysiinta dadka uu ku matalo kursiga haddii ay Dowladda shaqo ka halaan waayo qof aan xildhibaan la socon meelaha muhiimka ah lagama shaqaaleysiin doono, haddii uu rabana xildhibaankaas wuxuu dhihi karaa qof kale booska iigu qora.

Shaqsiga noqonaya guddoomiyaha degmada uu xildhibaanku ka soo jeedo waxa uu ku leeyahay la tashiyo uu culeys ku saarayo shaqsiga ay Dowladdu dooneyso inay degmada u ma gacawdo, waloow mararka qaarkood ayba Xildhibaannadu diidaan shaqsi Dowladdu la jecleyd xilkaas sida mararka qaar dhacday oo muwaadin warqaddiisa magacaabista la qoray looga noqday xildhibaan diiday dartiis.

Ugu dambeyn: Meesha ugu daran ee aan illaa iyo hadda laga hadlin waa kuwa musuqmaasuqa ku qaata dhulka Dowladda ee inta dhaqaale bixiya u isticmaala danahooda gaarka ah sida Ganacsiyo, Guryo, Xarumo Waxbarasho, Hotello iyo Maqaayado basle wali aan la arag Xeer Ilaalin, Maamul Gobol, Wasaarad, Maxkamad Gobol IWM oo ka hadlaya arrimahaas taas badalkeedana waxaan aragnaa madax sheegeysa inay dagaal kula jirto musuqmaasuq ee iyada wax musuqmaasuqeysa sababtoo ah hantida umadda waxaa lagu bixiyaa saxiixa madaxda dalka ugu sarreysa.

Sidaa darted waxaan k u talinayaa in la soo xiro MUSUQ sababtoo ah hadii aad xirto MAASUQ kaliya howshu ma istaagi doonto oo MUSUQ wuxuu diyaar la yahay lacagtii wax lagu fasahaadin lahaa.

Marka, intaan Alle ka cabsanno yaanan la dagaalin mukulaalaha digaagga naga cuna ee aan la dagaalno Libaaxyada iyo Waraabayaasha Geela nagu cunaya.

(IGA CILMI BADAN NINKI DHAGEYSTAY WARAABE AAMIN SHEEGANAYA EE DACWEYNAYA DHURWAA WAX XADAY!!!!)

 

W/Q: Cabdullaahi Cali Cabdulle

Email                : fanax97@gmail.com

Facebook          : https://www.facebook.com/abdullahi.aliabdulle

Twitter             : https://twitter.com/abdullahiali82

Instagram        :https://www.instagram.com/cabdullaahicalicabdulle/

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha