R/W Najib Mikati oo sheegay in dalkiisa ka qeyb galeynin dagaalka Isra’iil

|

Lubnaan (ONKOD) – R/Wasaaraha KMG ah ee Lubnaan Najib Mikati ayaa xaqiijiyay inuu ka shaqeynayo iney ka fogaato Lubnaan inay gasho dagaalka ka dhex socda ciidamada Yuhuuda iyo kuwa Falastiiniyiinta.

Sidoo kale, Mikati ayaa ku sharxay bayaan uu siiyay wakaaladda wararka ee France-Presse in wadankiisu ay ku furan yihiin ku mowjado duufaanno siyaasadeed ah.

Dhanka kale,Waxa uua muujiyay walaaciisa qalalaasaha ammaanka maaha oo kaliya Lubnaan, laakiin sidoo kale waa gobolka Bariga Dhexe haddii aan xabbad joojin laga gaarin Qasa.

Hadalka madaxa xukuumadda KMG ah ee Lubnaan ayaa imaanaya xilli xadka koonfureed ee Lubnaan ay ka dhacayeen todobaadyadan duqeymo ay isweydaarsadeen Xisbullah iyo Israa’iil.

Related Articles

News In English

Fikradaha