Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka tacsiyeeyey dadkii ku geeriyooday qaraxii argagixisadu maanta la beegsadeen Muqdisho

|

Muqdisho, September 25, 2021 Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, Wasiiru- dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Xoghayaha joogtada ah ee XRW, Agaasimeyaasha iyo guud ahaan howl wadeennada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, ehelada iyo asxaabtii ay ka geeriyootay Allaha u naxariistee Hibaaq Abuukar Xasan oo ka mid ahayd la taliyeyaasha arrimaha haweenka iyo xuquuqul insaanka ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku geeriyootay qaraxii argagixisadu maanta ka geysteen Muqdisho.

Hibaaq waxa ay ahayd gabar dhallinyaro ah oo firfircoon, howlkar ah, kuna sifowday daacadnimo iyo dal jaceyl. Jannadii Firdowso Allaha ka waraabiyo marxuumadda Samir iyo Iimaanna Allaha naga wada siiyo.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa qoysaskoodii iyo Ummadda Soomaaliyeed ee ay ka bexeen uga tacsiyeeyey dadkii ku geeriyooday qaraxii argagixisadu maanta kula beegsadeen Muqdisho.

إنا لله وإنا إليه راجعون

Related Articles

News In English

Fikradaha