Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Ka Tacsiyeeyey Geerida Dr. Maxamed Daahir Afrax

|

Muqdisho, Oktoobar 09, 2021; Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyey qoyska, asxaabta iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid Allaha u naxariistee Dr. Maxamed Daahir Afrax,

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay Dr.Afrax in uu ahaa aqoonyahan iyo qoraa Soomaaliyeed oo ku xeel dheer afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, wax weynna ku kordhiyey horumarinta dhaqanka iyo qoraalka Afkeenna hooyo.

“Allaha u naxariistee marxuumku waxa uu dalkiisa ugu soo adeegay si hagar la’aan ah, waxaana si gaar ah loogu xusuusan doonaa kaalintiisii uu ka qaatay horumarinta Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed, isaga oo soo noqday Guddoomiyihii Akadeemiyad goboleedka Afka iyo Guddiga dib u eegista Dastuurka.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa marxuumka Alle uga baryay in uu jannadiisa Fardowso ka waraabiyo ehelkiisa, asxaabtiisa iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeedna sabar iyo iimaan uu ka siiyo

Related Articles

News In English

Fikradaha