Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Ka Tacsiyeeyey Geerida Eng. Maxamed Cumar Saalixi

|

Muqdisho, September 2, 2021 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga tacsiyeeyey qoyska, asxaabta iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid Allaha u naxariistee Eng.Maxamed Cumar Saalixi.

Mudane Rooble ayaa ku tilmaamay Eng. Saalixi inuu ahaa udub dhexaadka kooxda difaaca baddeenna ee dacwaddeedu hortaallo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee Hague, isla markaana ahaa aqoon yahan iyo khabiir aqoon durugsan u leh arrimaha khariidooyinka, cabbirrada dhulka iyo culuumta badaha (Geodesy).

“Allaha u naxariistee marxuumku waxa uu dalkiisa ugu soo adeegay si hagar la’aan ah, waxaana si gaar ah loogu xusuusan doonaa kaalintiisii difaaca baddeenna, isagoo door muuqda ku lahaa heerarkii ay soo martay dacwadda baddeenna ee dhex taalla Soomaaliya iyo Kenya.”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa marxuumka Alle uga baryay in uu jannadiisa Fardowso ka waraabiyo ehelkiisa, asxaabtiisa iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeedna sabar iyo iimaan uu ka siiyo.

Related Articles

News In English

Fikradaha