Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Saraakiisha Amniga iyo Taliska Ciidanka AMISOM ee Baraawe

|

Baraawe, October 03, 2021 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo weheliyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa kulan looga hadlayay xaqiijinta amniga doorashooyinka la yeeshay saraakiisha laamaha amniga iyo Taliska AMISOM ee ku sugan Baraawe.

Ra’iisul Wasaaraha oo mudnaanta siinaya sidii ay amni ugu qabsoomi lahayd doorashada Golaha Shacabka oo qeyb kamid ah lagu dooranayo degmada Baraawe ayaa ku dhiirigeliyey qeybaha amniga in si wadajir ah ay uga shaqeeyaan nabadgelyada ergooyinka iyo howl wadeennada doorashada.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay dardar gelinta amniga guud ee Baraawe iyo howlgallada la dagaallanka argagixisada, si kooxaha nabad-diidku fursad ugu helin dhibaataynta shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa warbixin ku aadan howlaha horyaala ka dhageystay saraakiisha ammaanka degmada Baraawe iyo Taliska Ciidanka AMISOM. Iyadoo kulanka ay ka qeyb galeen Guddiga Doorashooyinka.

Related Articles

News In English

Fikradaha