`Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka

|

Muqdisho, September 26, 2021 -Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka, si ay howshooda u dardargeliyaan.

Guddiga ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyay howlaha u qabsoomay ilaa hadda iyo sida ay uga go’an tahay in howsha ay u xilsaaran yihiin ay u gutaan si waafqasan habraaca guddiga ee xal u helista cabashooyinka soo ifbaxa.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddiga kula dardaarmay in ay waajibaadka ka saaran hannaanka xallinta khilaafaadka ku saabsan doorashooyinka u gutaan si hufan oo caddaalad ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa adkeeyey muhiimadda uu guddigu ugu fadhiyo hannaanka hufnaanta doorashada, maadaama ay iyagu yihiin kuwii kala saari lahaa wax walboo khilaaf ka dhasha doorashada, bulshaduna uga fadhido in ay caddaalad u wada sameeyaan.

Related Articles

News In English

Fikradaha