Ra’iisulwasaare Rooble ayaa kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee Shiinaha

|

Muqdisho (Onkod Radio) Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta kulan gaar ah, xafiiskiisa kula yeeshay wafdi ka socda dowladda Shiinaha, kaas oo soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Wafdigan ayaa waxaa horkacayey Ergayga gaarka ah, ee dowladda Shiinaha, u qaabilsan arrimaha Geeska Afrika, Xue Bing, kaas oo wada hadal la yeeshay ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, iyo wasiirka arrimaha dibadda Cabdisaciid Cali.

Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Shiinaha, doorashooyinka iyo arrimo kale oo la xiriira Geeska Afrika.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ka dalbaday Shiinaha, inuu kaalin ka geysto abaaraha saameeyey dalka, gurmad deg deg ahna u gaarsiiyaan dadka ay saameeyeen abaaraha.

Sidoo kale Xue Bing iyo wafdigiisa ayaa ballan-qaaday inay door weyn ka qaadan doonaan arrimaha bani’aadanimada dalka, isla-markaana ay ka jawaabi doonaan dalabka dowladda.

Shiinaha, ayaa ka mid ah dalalka haatan xiriirka dhow la leh dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuuna ka fuliyaa dalka mashaariicyo dhowr ah.

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha