Ra’iisulwasaare Rooble oo Guddoomiyay Shirkii Ugu Dambeeyay Ee Golaha

|

Muqdisho (Onkod Radio) –  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya  ee shaqada ka sii tagaya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta guddoomiyay shirkii ugu dambeeyay Golaha Wasiirrada, kaas oo dib loogu eegay howlihii u qabsoomay Xukuumaddiisa muddadii ay shaqeyneysay.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xubnaha Golaha Wasiirrada ugu mahadceliyay sidii wanaagsaneyd ee ay ula soo shaqeeyeen, isagoo kula dardaarmay sii wadista howlaha Qaranka iyo gacan siinta Ra’iisul wasaaraha magacaaban  Xamse Cabdi Barre iyo dowladda cusub ee dhowaan lasoo dhisayo.
Ra’iisulwasaare Rooble ayaa waxaa lagu xasuustaa doorkii uu ku lahaa qabsoomidda doorashooyinka heer federal, taas oo lagu xasuusan doono sidii uu u maareeyay, xilli laga cabsi qabay in dalka doorashadiisa ay dhici wayso kadib markii dhow jeer muddo korarsi uu isku dayay Farmaajo.
Ra’iis Wasaare Rooble ayaa wasiirrada sidoo kale u rajeeyay mustaqbal siyaasadeed oo wanaagsan, isagoo kula dardaarmay in ay qof waliba intii karaankiisa ah dalka ugu adeego, oo xiligaan la daalaa dhacayo abaaro baahsan oo dalka ku dhuftay, waxaan in badan uu carabka u adkeeyay dardaarankiisa golaha.
Dhanka kale Xubnihii Golaha wasiirrada ee kulanka ka hadlay ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay sidii uu u soo hogaamiyay xukuumadda Federalka Soomaaliya iyo si gaar ah howlihii doorashooyinka dalka oo si guul iyo nabad ah ku soo dhamaaday, taas oo lagu xasuusan doono.

Related Articles

News In English

Fikradaha