Ra’iisulwasaare Xamsa Barre, ayaa xilka ku wareejiyay Saalax Jaamac oo ah Ras’iisulwasaare ku xigeenka Cusub

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xilalka u kala wareejiyay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka cusub ee XFS Mudane Saalax Jaamac iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore Mudane Mahdi Guuleed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore ee xilka wareejiyey, sidii howlkarka ahayd ee u soo hoggaamiyey Xafiiska, isagoo xusay shaqadii adkayd ee mudadaas uu u soo qabtay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka cusub ee XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac in allaha u fududeeyo shaqada culus ee hortaalla, waxuuna ku tilmaamay nin shaqo yaqaan ah, lehna xirfad hoggaamineed oo ay ka faa’iideysan doonaan.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii hore, ayaa ku wareejiyey Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka cusub, dukumiintiyo iyo hannaanka shaqo ee Xafiiska Ra’iisul Wasaare ku xigeenka.

Related Articles

News In English

Fikradaha