Ra’isul Wasaare Rooble, oo ugu baaqay Maamul Gobolleedyada Soomaaliya inay shan maalmood guduhood ku soo gabagabeeyaan doorashada

|

Muqdisho (Onkod Radio) Ra’isul Wasaarha xukuumadda xil gaarsiinta ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ugu baaqay Maamul Gobolleedyada Soomaaliya, inay muddo dhan Shan maalmood guduhooda ku soo gabagabeeyaan doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisulwasaare Rooble, ayaa maanta ka qeeybgalay Munaasabad lagu soo gabagabeynayay kuraasta Gobollada waqooyi ee Soomaaliland, asagoona sheegay in maamul goboleedyada kusoo gabagabeeyaan wakhtigii lagu ballamay ee ahaa  25-ka bishaan Febraayo ee sannadkan 2022-ka.

Rooble, ayaa Hambalyo u diray xildhibaanada cusub ee Gobollada waqooyi ee lagu doortay magaalada Muqdisho asagoona bogaadiyay Guddiga doorashooyinka Soomaaliland ee (SEIT) iyo heer Federaal howsha adag ee ay qabteen muddada loo qabtay ayagoo kusoo gabagabeeyay.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha