Ra’isulwasaare Rooble oo xarigga ka jaray dugsi loo dhisay agoonta Booliska

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xarigga ka jaray dugsiga hoose dhexe ee agoonta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo dhawaan loo dhisay qaab casri ah.

Agoonta Booliska Soomaaliyeed ee ay ka dhinteen waalidiintooda ayaa horey wax ugu baran jiray dhisme ka sameysan jiinkad oo wax yeelo u geysanayay xilliyada kulaylaha iyo qabowga.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo booqasho ku tagay xarunta agoonta Ciidanka booliska Soomaaliyeed 24 kii bishii Janaayo ee sanadkii 2021 oo ka damqaday goobta ay wax ku baranayaan, ayaa amray in iskuulka loo baddelo mid u qalma ilmo ay ka dhinteen muwaadiniinta.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha