Ra’isulwasaare Xamsa Barre oo gaaray Beledweyne

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta safarkiisii ugu horreeyey, tan iyo markii la magacaabay ku tegay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ilo wareedyo ku dhow xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa innoo xaqiijiyay in uu gaaray Xamse Baladweyne.

Xamsa Barre iyo wafdigiisa ayaa haatan lagu soo dhoweeyay magaalada Beledweyne, ayada oo aad loo adkeeyay ammaanka magaaladaasi.

Beledweyne waxaa sidoo kale shalay gaaray mas’uuliyiin horudhac u ah safarka ra’iisul wasaaraha, waxaana horey halkaas u tegay Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo qaar ka mid ah Xildhibaannada laga soo doorto gobolka Hiiraan.Sidoo kale caasimada Hiiraan ee Beledweyne haatan waxaa ku sugan madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle iyo ku xigeenkiisa oo howlo shaqo u jooga halkaasi.

Ujeedka safarka ra’iisul wasaaraha ayaa la xiriira u kuur-gelida xaaladaha nololeed ee ka jira Hiiraan iyo dadar-gelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.Muddooyinkii u dmabeeyey ayaa waxaa dhaq-dhaqaaqyo culus ay ka socdeen waddooyinka isku xira Beledweyne, Matabaan & Maxaas, ayada oona deegaano looga qabsaday Shabaab.

Si kastaba, safarka ra’iisul wasaare Xamza Cabdi ayaa ku soo aadayo, ayada oo maanta madaxweynaha uu isna ku sii jeedo magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Related Articles

News In English

Fikradaha