Rayid lagu laayay gobolka galgaduud & Galmudug oo ka aamusin ficilkaas

|

Dhuusmareeb (ONKOD ) Wararka aan ka helayno maanta oo Jimca ah deegaano ka  mid ah gobolka galgaduud ayaa sheegaya in halkaas lagu dilay dad rayid ah oo safar ahaa .

Wararka ayaa sheegaya in gaari ku safrayay deegaano  ka mid ah  galgaduud koox hubaysan ay rasaas ku fureen halkaa soo ay ka dhalatay khasaare kala duwan.

Gaariga rasaasta lagu furay ayaa ka ambabaxay magaalada Dhuusmareeb isaga oo ku sii jeeda deegaanka, degaanka Gadoon ee Gobolka Galgaduud.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in rasaasta lagu furay Gaariga ay ku geeriyoodeen Nabaddoon lagu Magacaabi jiray Cali Sheekk Cabdulle iyo Gabadhiisa, halka ay ku dhaawacmeen saddex Ruux oo kale.

Dhacdadan iyo kuwo kale oo ka dhacay deegaano ka mid ah Galgaduud ayaa salka ku haya , aanooyin qabiil oo wali loo taag la’ yahay in wax laga qabto.

Maamulka Galmudug ayaa sheegay dhawr mar in  si dhab ah wax loogu qaban doono dhibaatooyinka la xiriira aanooyinka qabiil oo aad ugu badan deegaano ka mid ah galgaduud.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha