Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Geneva kulan kula yeeshay Agaasimaha Fulinta ee Xarunta Ganacsiga Caalamiga ah (International Trade Center), Pamela Coke-Hamilton.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada horumarinta ganacsiga iyo kobcinta awoodda ganacsatada Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Soomaaliya ayaa dhawaan qabatay fadhigeedii ugu horreeyay ee ku saabsan ku biirista Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO), taas oo muujineysa sida ay uga go’an tahay horumarinta xiriirka ganacsi ee caalamiga ah,
Salax Axmed Jaamac Ra’iisul wasaaraha ku-xigeenka dalka ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Geneva, isaga oo ka qeyb galay kulan ku saabsanaa wadahadallada ku biirista Soomaaliya ee Ururka ganacsiga ee Adduunka ee WTO.