RW, Rooble oo amray in Soomaaliland loo fasaxo $11.7 Milyan oo ku jirta xisaabta dowladda

|

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa amray in si deg deg ah, loo fasaxo lacag dhan $11.7 milyan oo ku jirta xisaabta dowladda Soomaaliya, taas oo ah deeq caalami ah oo loogu talogalay mashaariicda horumarinta Soomaaliland.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha, lacagtaas ayaa qorshuhu yahay in lagu xoojiyo howlaha gurmadka ee looga jawaabayo masiibadii ka dhalatay dabkii baabi’iyay suuqa weyn ee magaalada Hargeysa.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sidoo kale sheegay inuu khadka telefoonka kula hadlay Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, uuna la wadaagay sida uu uga xanuunsaday musiibadii ka dhacday Hargeysa isagoo u muujiyay sida uu u garab taaganyahay.

Dhinaca kale, kulan uu Rooble uu la yeeshay ganaacsatada Soomaaliyeed oo looga hadlayay sidii loogu gurman lahaa ganacsatadii dabkii weynaa ee baabi’iyay suuqa weyn ee Hargeysa, ayaa looga dhawaaqay lacag gaareysa 3 Milyan oo Doollar oo gurmad ah.

Lacagtaas ayaa waxaa 1 Milyan oo ka mid ah ay bixineyso xukuumadda Soomaaliya, halka 2 Milyan oo dollar ay bixinayaan Ganacsatada Soomaaliyeed.

Dabkii habeenkii Jimcaha ka kacay suuqa Waaheen Hargeysa ayaa baabi’iyey guud ahaan suuqa, waxaana khasaaraha ka dhashay ay warbixino horudhac ah ku sheegeen 1.5 illaa 2 bilyan oo dollar.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha