Saciid DENI oo ka qayla dhaamiyay dhibaatooyin ku soo kordhay Puntland

|

Garoowe  (ONKOD ) Madaxwaynaha maamul goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi DENI ayaa sheegay in deegaanada maamulkaas uu dhibaato ku haya waxyaabaha maanka dooriya.

Waxa uu sheegay Saciid Deni in  dhibaatooyin badan  oo sabab  ah maandooriyaha uu raagaadiyay wax badan oo ay qabansan lahayeen dhallinyarada Puntland.

Saraakiisha ciidanka Puntland ayuu  ugu baaqay inay  u istaagaan wax ka qabashada dhibaatadaas maandooriyaha   uu ku  hay deegaanda maamul goboleedka Puntland.

Waxa uu soo hadal qaaday in dhibaatadaas maandooriyaha ay qayb ka yihiin  ciidankii loo baahnaa in ay sugaan amniga deeganada waxa uuna ka digay sii socoshadaha isticmaalka maandooriyaha.

“Waa in la xakameeyaa isticmaalka muqaadaraadka oo ayaamahaan dambe aad usoo kordhay, kuwii la rabay in ay xakameeyaan ee ciidamada ah ayaa ku laban dadka isticmaala,” ayuu yiri  Saciid Deni.

Deni ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay la-dagaalanka dadka ka ganacsada walxaha maanka-dooriya iyo kuwa isticmaala, isaga oo soo jeediyay in lagu garab istaago howl-galladaasi.

 

 

 

 

 

 

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha