Saddex Qarax oo ka dhacday Afgooye

|

Afgooye (Onkod Radio) — Saddex qarax ayaa maanta duleedka degmada Afgooye ee Shabeellaha hoose lagu eegtay ciidanka ka tirsan kuwa Burunti ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS.

Qaraxyada ayaa la xaqiijiyay in lagula eegtay Ciidankaas inta u dhexeeyse Degmada Afgooye iyo degaanka Cabdow Dibile ee hoostaga Degmada Afgooye.

Dad ku sugan Degmada Afgooye ayaa sheegay in mid ka mid ah qaraxyada uu qabsaday – gaari ka mid ah kuwa ciidanka ATMIS ay la socdeen.

Lama xaqiijin qasaaraha ka dhashay weerarada is xig xiga ee ciidanka ATMIS maanta oo Arbaca ah lagula eegtay duleedka degmada Afgooye ee Shabeellaha hoose.

Saraakiisha ciidanka ATMIS wax war ah ma aysan ka soo saarin qaraxyada ciidankooda maanta lagula eegtay duleedka Afgooye.

Saacadihii la soo dhaafay duleedyada degmada Afgooye waxa ka dhacay weerar kala duwan oo ay ku lug lahaayeen kooxda Al- Shabaab.

Meelaha saacadihii la soo dhaafay ay wax ka dhaceen waxaa ka mid ah deegaanka Doonka , halkaas oo ay isku fara saareen ciidanka Dowladda iyo kooxda Al- Shabaab.

Related Articles

News In English

Fikradaha