Safaaradaha shisheeyaha Ciraaq oo ‘’CABSI’’ soo wajahday maxay tahay sababta ?

|

Ciraaq (ONKOD) Waxaa aad u isii taraya carada ka dhalatay falalkii ka dhacay dalka Sweden ee lagula kacay Kitaabka Qur’aanka Kariimka, waxaana wadamo badan oo caalamul Islaami ah ka dhacay dibadbaxyo xooggan oo lagu diidan ayahay arrintaan uu ku kacay nin asal ahaan kasoo jeeda dalka Ciraq.

Dibadbaxyadaan ayaa ka dhacay dalal dhowr ah, kuwaas oo ku jira Jaamacadda Carabta, waxaana dibadbaxii ugu weynaa ee ka dhacay dalka Ciraaq, kaas oo weerar lagu qaaday dhowr safaaradood ay leeyihiin wadamada reer Galbeedka oo yaalla magaalada Baqdaad ee dalka Ciraq.

Ciidamada ammaanka Ciraaq ayaa isku dayay in ay xakameeyaan dibadbaxayaasha, kuwaas oo weerar ku qaaday saafaaradda Sweden ee Baqdaad, iyadoo  sidoo kale ay jirto in ciidamadu ay walaac ka qabaan in banaanbaxyadu ay ku faafaan aagga cagaaran oo ay ku yaallaan saafaradaha Shisheeye.

Ciidamada Ciraaq ayey sabtidii iska horyimaadeen boqolaal taageerayaasha wadaadka Shiicada ah ee Muqtada Al-Sadr, kuwaas oo isku dayay in ay xoog ku galaan aagga cagaaran, waxaana lasoo warinayaan in ay gubeen buug aan la sheegin waxa uu ahaa sida laga soo xigtay Booliiska Ciraaq.

Mudaaharaadyadan ayaa jawaab u ah waxyaabo ay Facebook-ga soo dhigeen Jimcihii, koox xagjir ah oo kasoo jeeda Denmark, kuwaas oo lagu magacaabo Dansik Patriot, oo ay ka mid ahaayeen muuqaal nin gubaya wax u muuqday Qur’aanka isla markaana ku tumanaya calanka Ciraaq.

Wadamada Sucuudiga, Qatar, Imaaraadka Carabta iyo Iran ayaa siyaabo kale duwan ugu baaqay in dowladda Sweden ay ka fiirsato falalka abuuri kara isnaceyb, waxaana xusid mudan in dalalka qaar looga dhawaaqay diidmada gacansiyada ka yimaada dalka Sweden ee la iibiiyo.

Dibadbaxyadaan ayaa yimid kadib markii nin u dhashay wadan Ciraaq uu ku kacay fal uu ku gubay Kitaabka Qur’aanka iyo in sidoo kale mar kale la arkay inuu u bareeray inuu laado Kitaabka, taas oo dhalisay carro ka timid wadamada Islaamka, kuwaas oo dowladda Sweden eedeeyay.

Related Articles

News In English

Fikradaha