Safiirka Imaaraadka ayaa muddo saddex mar booqday Villa Somalia

|

Muqdisho  (Onkod Radio) — Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud, ayaa maanta Xafiiskiisa ee Villa Somalia. waxaa uu ku qaabilay Danjiraha dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Amb. Mohamed Ahmed Othman Al-Hammad.

Kulanka ayaa waxaa ay labada dhinac ay uga wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal, iyo sidii dowladda Imaaraadka u billaabi laheyd taageerada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

War kasoo baxay Safaaradda Imaaraadka Carabta, ee Muqdisho, ayaa lagu sheegay in kulanka si weyn diiradda loogu saaray sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka labada dal iyo horumarinta wxyaabaha ay wadaagaan.

Madaxwaynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud, ayaa dhankiisa dowladda imaaraadka Carabta uga mahad celiyay taageerada ay siiso, isaga oo sheegay in looga baahan yahay wadasahqeyn xoogan oo dhinac walbo leh.

Kulankaan ayaa ahaa kii saddexaad ee muddo ka yar saddex toddobaad uu safiirka Imaaraadka la yeesho madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, tan iyo markii la doortay 15-kii Bishii May 2022.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Shantii sanno ee la soo dhaafay aan wax xiriir ah la laheyn dowladda Soomaaliya, kadib markii uu khilaaf dhexmaray dowladdii hore ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, balse xiriirkii xumaaday uu soo celiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Related Articles

News In English

Fikradaha