Safiirka Mareykanka ayaa shaaciyay tallaabooyin ay qaadayaan haddii aan doorashada la dhameestirin

|

Muqdisho (Onkod Radio) Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya, Larry André Jr, ayaa sheegay in qaar kamid ah, hoggaamiyaasha Soomaaliya ay berri wajihi doonaan cunaqabatayn haddii aan la dhameystirin doorashada Golaha Shacabka

Safiirka cusub ee la magacaabay, oo wareysi siiyay Idaacadda Goobjoog, ayaa sheegay in dalkiisa uu qaadi doono tallaabo dheeraad ah, haddii aan la ixtiraamin heshiiskii ay gaareen Golaah Wada-tashiga qaran ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Rooble, kaasi oo lagu go’aamiyay in doorashada golaha shacabka lagu dhameystiro ugu danbeeyn 15-ka Bishan oo u ku beegan maalinta Berri ah.

“Haddii wakhtiga kama danbaysta ah, ee lagu heshiiyay ee ah, 15- Bishan Maarso, aan la ixtiraamin, markaa waxaan mar kale liiska ku dari doonnaa magacyo cusub oo kamid ah, dadka laga mamnuucay inay u safraan Mareykanka,” ayuu yiri danjire Larry André Jr.

Safiirka ayaa sheegay inay soo gaartay xog ku saabsan in hoggaamiyayaasha Soomaalida ay si deg deg ah, u dar dar geliyeen doorashada Golaha Shacabka markii ay soo baxday cunqabataynta dhanka socdaalka ah, ee Mareykanka.

Si kasta ha ahaatee, Safiirka Mareykanka ma uusan sheegin magacyada hoggaamiyayaasha la saaray cunaqabataynta dhanka safarka, balse taas baddelkeeda wuxuu sheegay inay dareemi doonaan markii ay dalbadaan dal ku galka Mareykanka ama markii laga joojiyo Fiisooyinkii horey ugu dalbanaa.

Hadalka safiirka ayaa kusoo beegmaya xilli ay dowladaha xubnaha ka ah, dowladda federaalka Soomaaliya, ay ku deg-degeen inay doorashada Golaha Shacabka kusoo dhameystirayaan ugu danbeeyn 15-ka bishan Maarso oo ay saacado un ka harsanyihiin.

bishii January ayaa loo diiday dal ku galka Mareykanka mid ka mid ah, madaxweeynayaasha Maamul Goboleedyada Soomaaliya.

Madaxweeynahaasi ayaa qeeyb ka ahaa qorshaha saxiixa heshiiska Shidaalka ee muranka badan dhaliyay ee dhowaan soo shaac baxay ee lala galay Shirkadda Coastline Exploration oo fadhigeedu yahay Dalka Mareykanka.

Codsiga Visaha waxaa la marsiiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, waxaana gadaal ka riixeysay Madaxtooyada Villa Somalia.

Related Articles

News In English

Fikradaha