Sarkaal ajinabi oo Daacish ah oo lagu soo bandhigay Puntland

|

Boosaaso (ONKOD) Ciidanka maamul  Puntland ayaa gacanta ku dhigay xubno loo haysto in ay ka mid yihiin kooxda Daacish ee ka dagaalanta  buuraha Galgala ee gobolka Bari.

Howlgal ay ciidanka ay fuliyeen  fuliyeen ayay ku soo qabteen shaqsiyaad Ajaaniib ahaa oo laamaha amniga ay sheegeen in ay yihiin Daacish ka – barbar dagaalamayay  kuwa Soomaalida.

Booliiska Puntland ayaa sheegay in qabashada sargaalkiishan  ay ku soo aaday xilli kooxda argagixisada ee ISIS/Daacish kordhiyeen xubnaha Ajenibta ee kaga imanaya dalalka shisheeye si ay uga dhinac dagaalamaan.

Saraakiisha maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay in ay kordhin doonaan howlgalada ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka soconaya deegaanada maamul goboleedka Puntland.

Dhawaan ayay ahayd markii ciidanka maamulka Puntland ay sheegeen in ay gaajo uu u dhintay sarkaal ka tirsanaa kooxda Daacish oo buuraha galgala ka dagaalamayay

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha