Sarkaal Dowladda & mid kooxda Macwiislayda oo lagu dilay Jowhar

|

Jowhar (ONKOD) Wararka aan ka  helayno magaalada Jowhar ee Shabeellaha Dexe ayaa sheegaya in halkaas qarax miino oo nooca dhulka lagu aaso ah  uu ka dhacay.

Qaraxan ayaa lala eegtay sida la sheegay saraakii ka  tirsan Ciidanka Dowladda  Federaalka waxaana wehliyay koox ka mid ah Macwiislayda dagaalka kala soo horjeeda Al- Shabaab

Wararka ayaa sheegaya  in halkaas lagu dilay sarkaalka , halka mid kale oo macwiislay ahna uu dhintay ka dib qaraxa lala eegtay gaari ay saarnayeen.

Ma jirin dhaawac ka dhashay qaraxan marka laga reebo dhimashada sarkaalkaas iyo Macwiislayda sid ay sheegeen saraakiil ka tirsan Dowladda

Kooxda Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaas oo ay tilmaameen in ay  ku dileen labo sargaal uu midkood  katirsanaa ciidanka dowladda, halka kan kalana uu kamid ahaa ragga hoggaamiya macawuusleyda.

Waxa ay sheegtay Kooxda in labadan sargaal ay dileen ay kaalin weyn ku lahaayeen dagaalka looga saaray gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxa ayna ku eedeeyeen Abuukar Miiney in horey dad shacab ah ugu laayay deegaanka Gololey ee duleedka Balcad.

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha