Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda oo lagu dilay Muqdisho

|

Muqdisho (Onkod Radio ) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya toogasho ay koox hubeysan maanta ka geysatay qaybo ka mid ah degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Toogashada oo lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda ayaa barqanimadii maanta ka dhacday xaafad ka tirsan degmadaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Laba Xidigle Aadan Cismaan, waxaana lagu dilay agagaarka hoygiisa oo ku yaalla degmada Dharkenley.

Ragga dilka fuliyey oo ku hubeysnaa bistoolado ayaa goobta isaga baxsaday kadib dhacdadaasi, sida ay innoo sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya, ayaa sidoo kale goor dambe gaaray goobta, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degmada oo ku aadan dilkaasi.

Xaaladda goobta uu dilku ka dhacay ayaa haatan deggan, waxaana falkan uu qayb ka noqoyanaa falalka ammaan darri ee ka dhaca magaalada Muqdisho.

Si kastaba, dilkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhinaca kale ciidamada dowladda, ay howlgallo ka wadaan degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana ugu dambeeyay Warta Nabadda oo xalay baaritaanno xooggan ay ka sameeyeen ciidamada Booliska Soomaaliya.

Related Articles

News In English

Fikradaha