Muqdisho (ONKOD ) War qoraal ah oo ka soo baxay Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa lagu sheegay in ay aad ugu xun yihiin weerarkii laba maalin ka hor ka dhacay magaalada Muqdisho.
Qoraalka ayaa lagu xusay in weerarkaas oo masuuliyadiisa ay sheegteen Al- Shabaab uu ka mid ahaa dadkii ku dhintay xubin sare oo ka mid ahaa shaqaalaha WHO ee Soomaaliya.
Agaasiaha guud Hay’adda WHO Tedros Adhanom oo war kooban soo saaray ayaa ku sheegay in weerarkaas ay ku wayeen sarkaal shaqo wayn ka hayay gudaha Soomaaliya oo iyaga ka mid ahaa [WHO ]
“Aad ayaan uga xumahay inaan xubin ka tirsan WHO ku weynay weerarkii ka dhacay Muqdisho, Soomaaliya,” ayuu Wwitter-kiisa ku yiri agaasimaha guud ee hay’adda WHO.
Intaas waxa uu qoraalkiisa ku daray in sidoo kale ay aad ugu xun yihiin weerarkaas ka dhacay Xeebta Liido ee ay ku dhinteen dad badan oo shacab ahaa kuwaas oo halkaas u doontay in ay ku soo shaaheeyaan.
Weerarkaas ka dhacay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho waxaa ku geeeriyooday inta la xaqiijiyay 10 qof oo ay ku jiraan ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya .
Masuuliyada weerarka ka dhacay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho waxaa masuuliyadisa sheegtay kooxda Al- Shabaab.