Sarkaal sare oo ka tirsan Hirshabeelle oo weerar culus lagu qaaday

|

Muqdisho (ONKOD ) Wararka ONKOD Radio uu ka helayo degamada Dharkanlay ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in koox la rumaysan yahay in ay ka tirsan Al- Shabaab weerar dil ah ay ku qaadeen sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha Hirshabeelle.

Weerarkan oo ahaa isku day dil oo la doonayay in sarkaalkan oo magaciisa  lagu  Xuseen Shire Jimcaale ka dhacay Degmada Dharkenley ee Magaalada Mogadisho .

Maleeshiyo  hubeysan oo Al-shabaab ah ayaa abaare habeenimadii xaley weerar ku beegsadey Sarkaalkaas oo ka tirsan saraakiisha Wasaarada Arimaha Gudaha ee Dawlad Gobaleedka hirshabeelle.

Xuseen Shire Jimcaale waxaa uu ku sugnaa marka uu weerarka dhacayay gurigiisa oo ku yaaley Degmada Dharkenley balse sarkaalka waa uu ka badbaadey dilka, laakiin  weerarka waxaa lagu diley nin Sarkaalka dariskiisa ahaa oo ay ku qaldeen Xuseen Shire Jimcaale.

Kooxda Al- Shabaab ayaa marar badan sidan oo kale waxay weeraro ugu fuliyeen meelo  ka mid ah magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka maamul goboleedyada dalka ka jira.

Related Articles

News In English

Fikradaha