Sarkaal sare oo NISA ah oo lagu dilay magaalada Marka Sh.Hoose

|

Marka (ONKOD) Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax ka dhacay magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha  Hoose.

Qaraxan ayaa wararka hadda la helayo waxa ay sheegayaan in lala eegtay oo gaarigiisa loogu xiray sarkaal ka tirsanaa ciidanka Nabad sugidda ee ka howlgasha magaalada Marka.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Xasan Cusmaan Cali Bitooni oo loo yaqaanay (Taliye Kush-gale), kaas oo isla goobta ku geeriyooday.

Saraakiisha  ciidanka NISA ee ku sugan magaalada Marka ma aysan faahfaahin dilka sarkaalkaan iyaga ka tirsanaa mana jirto war kale oo ka soo baxay maamulka magaalada Marka.

Sarkaalkan ayaa sidoo kale la dhashay gudoomiyihii hore ee maamulka degmada Marka Maxamed Cusmaan cali ( Yariisow), sida ay innoo xaqiijiyeem ilo wareedyadu.

Sidoo kale waxaa qaraxaan uu dhaawac kasoo gaaray qaar kamid ah ilaaladiisa iyo dad kale oo shacab ah oo marayay waddada dhinaceeda

Ciidanka amniga ayaa wada baaritaan la xiriira dilkan waxayna howlgal ay ka fuliyeen xaafado ka mid ah magaalada Marka  mana jirto cid ay u soo qabteen ilaa iyo hadda

 

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha