Sawirro: Shirka DF & maamul- goboleedyada oo Muqdisho ka furmay & Qodobada la isku hayo.

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Shirka madaxda maamulada iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Axad ah ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa waxaa uu socon doono laba maalin, waxaana loogu doodayaa arrimo dhowr ah oo aad xasaasi ah, Waxaa ku sugan madashan oo ka qayb galaya inta – badan madaxda maamul Goboleedyada marka laga reebo Madaxwaynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo la xaqiijinayo in aaladaha fogaan aragga ah kaga qayb gali doono.

Dhinacyadu waxa ay si weyn u lafa-guri doonaan sidii xal luugu heli lahaa muranka ku aaddan sida Dowladda dhexe ee Maamulladu u qeyb sanayaan lacag $100 Milyan oo doolar ah oo Bankiga Adduunku ugu deeqay Soomaaliya. Ilo ku dhaw Madaxtooyada ayaa sheegaya in miiska ay saaran yihiin qodobo aad u adag ayada oo maamullada qaarna ay saluugsan yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh muujiyo ayaa inta u u socdo shirkan waxa uu xooga saari doono sidii ay isugu soo dhawaan lahayeen Dowladda Dhexe iyo maamul- goboleedyada.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa la adkeeyay , waxaana waddooyinka qaar maanta oo Axad ah la dhigay ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Related Articles

News In English

Fikradaha