Sawirro: Wasiirka Maaliyadda oo booqday Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Wasiirka Maaliyadda XFS Dr Cilmi Maxamed Nuur ayaa maanta booqasho ku tagay xarunta wasaaradda Gaashaandhiga XFS halkaasi oo uu kusoo dhaweeysy wasiirka Gaashaandhiga XFS Cabduqaadir Maxamed Nuur, wasiiru-dowlaha iyo wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga XFS.

Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa Kormeer ku sameeyay qeybaha ay ka kooban tahay wasaaradda Gaashaandhiga XFS iyo xafiisyada shaqada , waxaana kulan gaar ah ay yeesheen wasiirada booqashada kadib ay ka wada hadleen doorka wasaaradda Maaliyadda ay ka qaadan karto qorshaha horu-tabinta u leh wasaaradda.

Wasiirka Gaashaandhiga XFS Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa uga mahadceliyay wasiirka Maaliyadda DR Cilmi Maxamed Nuur booqashada uu ugu yimid.

Related Articles

News In English

Fikradaha