Sawirro: Xil-wareejin maanta ka dhacday xafiiska Xamza

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Abuukar Subeer ayaa maanta xilka kala wareegay Xoghayihii hore ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Ibraahim Nuur.

Munaasibada xil-wareejinta ayaa ka dhacday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, kaasi oo uu goobjoog ka ahaa Wasiiru-dowlaha xafiiska Mudane Cabdixakiin Ashkir.

Xoghayihii hore ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Ibraahim Nuur ayaa ku wareejiyey Xoghaya cusub galal ay ku qoran yihiin hantida ma guurtada ah, shaqaalaha, iyo hannaanka shaqo ee Xafiiska.

Sidoo kale waxa uu Alle uga rajeeyey in xilkaas culus ee loo dhiibay uu u fududeeyo.

Xoghayaha cusub ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Maxamed Abuukar Subeer ayaa dhankiisa soo bandhigay qorsheyaasha ku aaddan horumarinta howlaha mudnaanta u leh.

Ugu dambeyntiina waxa uu xoghayaha cusub ka codsaday dhammaan shaqaalaha iyo howl-wadeennada xafiiska in lala shaqeeyo, si loo dardar-geliyo howlaha horyaalla.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha