SEIT Jubbaland ayaa soo saartay liiska 5 kursi oo ka mid ah kuraasta la dooranaayo 22 Feb

|

Muqdisho (Onkod Radio) Guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland ee SEIT Jubbaland, ayaa soo gudbiyay 5 kursi oo Golaha Shacabka ah oo doorashadoodu ka dhaceyso Magaalada Kismaayo 22 ka Febraayo 2022, oo ku beegan maalinta Talaadada, shantaan kursi ayaa ka mid ah, 43 kursi oo deegaan doorashadooda ay tahay Jubbaland.

SEIT Jubbaland ayaa kuraasta uu soo gudbiyay kala ah:

HOP#072: Cabdirashiid Maxamed Xiddig, ayaa ku fadhiya kursigaan.

HOP#079: Farxiya Xasan Axmed, ayaa Jubbaland ku metashay Baarlamaanka 10aad.

HOP#112: Cabdicasiis Cabdullaahi Maxamed Xukun, ayaa ku fadhiya.

HOP#130: Maxamed Diiriye Khaliif ayaa ku fadhiya kursigaan.

HOP#136: Maxamed Cabdi Maxamed (Gaandi) ayaa kursigaan ka geeriyooday.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha