“Shabaab la dirir, shabaab ku beddel waxba soo kordhin meyso”

|

Amsterdam (ONKOD) Dowladda Federaalka  Soomaaliya ayaa sheegtay in ay bilaabayso wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab isla markaana uu hoggaaminayo oo dhuusmareeb kala soconayo Madaxwaynaha Soomaaliya.

Sida Dowladd Soomaaliya ay u wajahayso howlgaladan ayaa hada lagalinayaa shaki badan oo la xiriira awooda iyo  qorshaha lagu wajahayo , maadama ay muuqayso in ciidanka la doonayo in ay dhaqaaqaan.

Dr. Cumar Axmed Weheliya, macalin culluunta islaamiga ah ka dhiga Jaamacadda Islaamiga magaalada Rotterdam ee dalka Netherland ayaa sheegay in Dowladda keliya waxa ay samaysay ay tahay dhoolatus , taasna laga fiicnaa.

Waxa uu sheegay in xeeladaha dagaalka marnaba qabin la soo bandhigo  goobaha la weerarayo iyo cudada ciidanka dagaalka galaya iyo jihada loo socdo taas oo uu yiri waa iska dhoolatus ciidan.

Intaas waxa uu warkiisa ku daray in awooda ciidanka ay yar tahay waxna aysan kaga duwanayn sida uu hadalka u dhigay dhinac kale ee ka soo horjeedo  oo ula jeeday kooxda Al-Shabaab.

“Shabaab la dirir, shabaab ku beddel waxba soo kordhin meyso” Dr. Cumar Axmed Weheliya ayuu hadalkiisa raaciyay.

Dr. Cumar Axmed Weheliye ayaa dhinaca kale na xusay in guul kasta oo ay ciidamada dowladdu ka gaaraan dagaalka ay ku xiran tahay  taageerada ay muujiyaan dadka deegaanka.

Dr. Cumar Axmed Weheliye ayaa soo noqday maareeyihii dekadda Muqdisho bartamihii 2006-dii xilligaas oo ku beegneyd markii Golihii Maxaakiimtu ay la wareegeen inta badan Gobolada Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha