Jowhar (ONKOD ) Kooxda Al – Shabaab ayaa maanta oo Jimcaha la wareegay Deegaanka Daaru-nicma ee hoostaga Degmada Ruunirgood Ee Gobalka Sh/dhaxe, waxaana la sheegayaa in halkaas uusan ka dhicin dagaal toos ah
Ciidanka milateriga ee Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Macaawisleyda ayaa isaga baxay Magaalada, waxaana la sheegayaa inay hada gacanta ku hayaan kooxda Al- Shabaab.
Warar aan hadda helayno ayaa sheegaya in mararka qaar gudaha magaalada laga maqlayo rasaas lamana oga in ay tahay mid laba dhinac ah ama ay ridayaan Al-Shabaab.
Dad halkaas ka ag dhaw waxay sheegeen in duqeymo ayaa socdaan balse lama hubo warkaas sax ahaanshihiisa .
Daaru-nicma waa Deegaan dhantaraal ah oo Kala bara Ceelbacad, Ruunirgood iyo Alkowsar
Dowladda Soomaaliya ayaa kol hore deegaankaas waxa ay ka saartay kooxda Al- Shabaab ka dib dagaal halkaas ka dhacay inkastoo hadda ay muuqanysa is abaaulka Al- Shabaab.