Shabaab oo qalgal galiyay Ganacsiga Muqdisho – Goobo la qarxiyay

|

Muqdisho (ONKOD )  Ganacsatada magaalada Muqdisho ayaa wajahaya qalqal xaga amniga ah ka dib markii ay soo baxeen warar iska soo horjeeda oo kaga imaanaya Al- Shabaab iyo Hay’adda NISA ee Dowladda Soomaaliya.

Goobo badan oo ganacsi ah ayaa la xiray sabab la xiriirta cabsi ganacsatadu ay ka qabaan in waxyeelo ay soo gaarto goobahooda ganacsiga ama naftooda taas oo keentay in ay joojiyaan ganacsiga.

Hay’adda NISA ayaa dhankeeda sheegtay in  aan la ogolaan doonin in Camerooyinka wax basaasa ee CCTV laga waayo  banaanka hore ee goobaha ganacsiga ee magaaalada Muqdisho.

Amarkan waxaa durbadiiba diiday oo digniin u jeediyay ganacsatada kooxda Al- Shabaab oo hanjabaad hawada u mariyay ganacsatadii qaadata amarka ka soo baxay Hay’adda NISA.

Tan iyo markaas waxaa magaalada Muqdisho  lagu qarxiyay goobo badan oo ganacsiga ah waxaana la xiray goobo kale oo ganacsi cabsi ka jirta labada dhinac ee loolamaya.

Si kastaba  kooxda Al- Shabaab ayaa ku adkaysanaysa in talaabo ay ka qaadi doonaan ganacsade kasta oo u hoggaansama amarka Hay’adda NISA halka NISA ay sheegtay in talaabo laga qaadi doono cidii u hoggaansata.

Related Articles

News In English

Fikradaha