Marka (ONKOD) Inta la xaqiijiyay shan qof ayaa ku geeriyooday shan iyo toban kalena qarax ka dhacay deegaanka Bariiri ee goboolka Shabeellaha Hoose sida ay sheegaan dadka deegaanka.
Qaraxa dadkan shacab ah ku waxyeeloobay ayaa ahaa miinada dhulka lagu aaso , waxaana qaarkood xaaladooda ay culus tahay isla markaana loo soo qaaday kuwa culus magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa waxaa sidoo kale khasaare uu kasoo gaaray dad doonayey in ay gurmadaan labada ruux uu qaraxa qabsaday, waxaana taas ay dhalisay in ay qarxaan labada miino oo kale, kuwaasoo sababay geerida sedex ruux iyo dhaawac dadka kale, arrintaan ayaa bulshada argagax ku beertay.
Gobolka Shabeellaaha hoose waxaa inta badan ka dhaco dagaallo u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo midowga Afrika iyo Al-shabaab, waxaana sidoo kale ku lamaanan qaraxyada lagu aaso wadooyinka oo dhimaato ku haya shacabka ah, dhowaan Qarax ay caruur ku ciyaartay ayaa dilay 27 ruux.
Saraakiisha maamulka Shabeellaha hoose wali wax war ah ma aysan ka soo saarin qaraxan ka dhacay deegaanka Bariiri ee gobolka Shabeellaha hoose